Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya sannadihii 1964-67, Cabdirisaaq Xaaji xuseen , oo hadda kusugan magaalada Minneapolis, Minnesota, ayaa waqad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u qoray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.

Cabdirisaaq waxa uu warqadiisa ku bilaabay in uu aad uga fiirsaday sooqoritaanka warqaddaas, isla markaana uu u arkay in ay tahay lagama maarmaan in uu la qaybsado dareenkiisa arimaha Soomaaliya ee waji gabaxa leh oo sii xumaanaya maalinwalba, iyo heerka ay Itoobiya ka qaadatay sii dheeraynta arintaas, taas oo weliba uu cabdirisaaq yiri kuwaasi waa dareenka Soomaalida xogta lasocota.

Waxaa uu Cabdirisaaq xusay in bilowgii ay Itoobiya arimaha Soomaaliya dhexdhexaad ka ahayd, laakiin sida ay u muuqato ay arintaas dib uga fiirsatay … taas oo noqotay salka wajihida cusub. siyaasada cusub ee Itoobiya ee kuwajahan Soomaaliya waxa ay noqotay, ayuu yiri, mid ku dhisan xulafaysi marka ay la xaajooneso qaybaha Soomaaliya iskaga soo horjeeda. Taas oo ah faragelin arimaha gudaha Soomaaliya.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo kamida madaxdii Soomaaliya wax kasoo xukuntay waagii Soomaaliya ay magaca kulahayd maqaamka caalamka, waxa uu yiri:

Su’aasha la isweydiinayaa waxa ay tahay, Itoobiya ma waxa ay rabtaa in ay sheegato Soomaaliya, si ay u adeegsato badda Soomaaliya, iyadoo arintaas ugu curaareysa qaranka Soomaaliya? haday arintu saas tahay ayuu yiri, malaha si taas loo gaaro waa in la adeegsado habkii gumaystayaashii gaboobey  oo ahaa in la kala gato caaqilada iyo qabaa’ilka (iyo hadda kuwa aadka u fikradda gaaban ee qabqablayaasha dagaalka ah). Qaabkaas oo ah in qaybo Soomaaliya ah lagu qabsado, ama gebi ahaanba.

Qoraalkaas oo aad u dheera waxa uu cabdirisaaq xusay in Itoobiya ay jebisey qaraarkii qaramada midoobey ee ahaa “Resolution 733 (January 23, 1992), kaas oo ahaa in Soomaaliya lagu soo rogo cunaqabatayn xagga hubka ah. Taas oo Cabdirisaaq sheegay in itoobiya ay hub siisay Soomaaliya, gaar ahaan Mogadishu, Bay, Bakool, Gedo, Jubaland, iyo Puntland, arimahaas oo uu weliba sheegay in ay yihiin sir waadax ah.

Waxa kale oo Cabdirisaaq xusay waraysi ay BBcdu la yeelay Meles Zenawi kaas oo uu Zenawi yiri “Itoobiya waa dal aan bad lahayn, waana ka faa’iidi lahayn hadii ay Soomaaliya dawladi ka dhalato, maadaama ay Soomaaliya tahay waddan bad ku xeerantaahy”, taas oo sida uu Zenawi sheegay ay Itoobiya ka go’an tahay in ay ka shaqayso nabada Soomaaliya, arinta waraysigaas isagoo cabdirisaaq ka jawaabaya waxa uu yiri waxa keliya oo waraysigaaga laga qaadankaraa in sidiisa loo qaato, taas oo ah in aad xaqiiqada kor ku xusan diideysid.

Cabdirisaaq oo la talinaya Zenawi waxa uu yiri ” waxaa ugu haboon ee Soomaaliya aad ka qabankartaa waa in aad si cad u muujisid in aad beri katahay qabqablayaasha dagaalka ee qaramada midoobey ku tilmaameen in ay caqabdda ku yihiin nabada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya. waana in aad si fagaare ah u tiraahdaa “qof kasta oo aan nabadda (somalia) ka shaqaynayn itoobiya yuu ku xisaabtamin”. Waxaan aaminsanahay, ayuu yiri Cabdirisaaq, haddii aad, waa Zenawi’e, si cad sadaradaas u bayaamisid in ay suurta gal noqonkarto in xal loo helo Soomaaliya, habka ugu wanaagsana waa in aad sidaas  ka caddaysid shirka lagu wado in lagu qabto Nairobi. Waa hadii Itoobiya aysan xiisaynayn Soomaaliya oo aan nidaam kajirin oo kala qaybsan.

Ugu dambayn Cabdirisaaq warqaddaas uu u diray Zenawi waxa uu ku soo gabagabeeyey isagoo yiri: “Dhammaan qabqablayaasha dagaalka ee ku dhaaranayaan in ay ama madaxweyne iyo/ama ra’iisul wasaare noqdaan waa in si waadax ah loogu caddeeyaa in sida hamigaas lagu gaari karo ayasan ahayn kala qaybinta dadka. Qof kasta oo ku hanweyn in uu noqdo hoggaamiye waa in uu soo ban dhigo ama la yimaado, si xor ah, isagoo dadka ku qancinaaya aragtidiisa sababta uu ugu qalmo in dadku rumaystaan (ama hadalkiiisa aamnaan) ama taageeraan, halkii uu khasab qori caaradii dadka ugu jajuubi  (khasbi) lahaa waxa uu rabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Time limit is exhausted. Please reload CAPTCHA.