Galayr fiqi bashir abdille oo maanta fiqi Abdinaasir mohamud mire gurigiisa ku booqday

0
391

Maanta oo ah maalin arbaco ah taariikhduna tahay 18/12-2019 waxaa garoonka diyaaradaha garoowe kasoo dagay Galayr fiqi bashir abdille codwayn iyadoo ay halkaas ku soo dhaweeyeen dad badan oo ka tirsan beesha reer xirsi.

Galayr fiqi bashiir abdille ayaa ka dib wuxuu gurigiisa kusoo booqday FIQI Abdinaasir mohamud mire iyadoo ay la socdeen galayr fiqi bashiir dad badan oo ka mida beesha oo ugu horeeyo Xildhibaan Abdiqani Farah Dhaashane iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka nugaal Bariir Isse Ibcad.

 

Galayr fiqi bashiir ayaa laga yaaba inuu usii kicitimo magaalada burtinle oo ay joogaan ergooyin badan oo ka yimid qurbaha kana qaybgalaya xaflada caleemo saarka fiqi Abdinaasir oo ka dhici doonta degaanka Jeedalow oo ka tirsan dagmada bacaadwayn…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Time limit is exhausted. Please reload CAPTCHA.