Shirka nabadaynta iyo dib-uheshiisiinta Soomaaliyeed ee ka dhacaya Kenya.

0
17572

Cabdirisaaq Xaaji XuseenCabdiriqaaq Xaaji Xuseen oo soo saaray ayaa wuxuu ku cabiray fikradiisa ku aadan ujeedada shirka Kenya, ururka IGAD iyo madax-dhaqameedyada. Qoraalkaas waxa C/Risaaq ku bilaabay in uu sida ay Soomaali farabadani u xiisaynayaan uu ula socdey shirka Soomaalida ee ka socda Kenya, waxana uu tilmaamay in uu xiisa gaar ah u hayey lasocodka arinta la xiriirta casumaadii hogaan dhaqameedyada ee shirka lagu casumey qaybtiisii saddexaad.

Waxa uu Cabdirisaaq durbadiiba qoraalkiisa ku xusay in haba-yaraatee uusan qofna ku xadgudbayn, laakiin sida uu tilmaamay in arinta meesha (shirka) lagu hayaa ay tahay mid aad muhiimad weyn u leh ummada Soomaaliyeed, sidaas darteedna loo baahan yahay in qofku si waadax ah oo aan daah saarayn uu fikradiisa u cabiro.

Cabdirsaaq waxa uu si cad qoraalkiisa ugu sheegay in hoggaamiyayasha dhaqanka xulashadooda iyo keenistoodaba ay IGAD markii horeba kala tashatay oo keliya madaxda kooxaha hubeysan oo ay IGAD u aqoonsan tahay inay yihiin kuwa kaliya ee taladu ka go’do. Cabdirisaaq wuxuu kaloo sheegay in uu akhriyey magacyada liis ka kooban 50 ilaa 60 madax dhaqameedyo, kuwaas oo uu is leeyahay qaarkood waa la tuhmi karaa inaysan soo jireen ahayn.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri waxaan rumaysnahay in badan oo kamid ah ‘madax dhaqameedyada” yimid Nairobi, oo degdega iyo fiirsasho la’aanta ku aqbalay dhaarta loo qaabeeyey inay yihiin kuwo lasoo qortay balse aysan ahayn madaxdii hidaha. Madax dhaqameedyadii rasmiga ahaa waxay isugu jiraan kuwo la reebay ama kuwo ka cudurdaartay dhaartaas.

Cabdirisaaq wuxuu u riyaaqay hadalkii gudoomiye Kipligat ku yiri markii uu la hadlayey madax dhaqameedyada waa in madax dhaqameedyadu aysan cidna uga haybaysan wixii dan u’ah dadka iyo dalkaba maadama iyagu dhaqan ahaan ay leeyihiin gudoonka kama dambaysta ah ee bulshada.Iyagoo ku hiranaya dhaqankii qarniyaasha soo jiray ee Soomaaliyeed.

Waxa laga reebay shirka, ayuu yiri C/Risaaq, dadkii lafdhabarta u ah bulshada sida, hogaan dhaqameedyadii qaarkood , culimaa udiinkii ,ganacsatadii ,ururada dhalinyarada iyo sidoo kale ururadii haweenka. Waxaa kuwaas meeshoodii la so ogaliyey madaxda kooxaha hubeysan iyo taageerayaasha iyaga daacada u’ah. Taasina ma muujinayso in shirku noqdo mid dhala mirihii laga rajaynayey.

Cabdirisaaq waxa uu yiri IGAD waxaa laga yaabaa in ay hadalkayga ka hor timaado ayagoo sheeganaya in 100 kamid ah 300 boqol oo qof ee IGAD ay ku dartay shirka ay ahaayeen bulshada rayidka. Taas waxaan kaga jawaabilahaa ayuu yiri in markii horeba ay ahayd in saddex-meelood oo laba meelood ama 200 ay noqdaan bulshada rayidka ahmaadaama ay iyagu ay matalayaan bulshada. Boqolka lasoo xulayna waxaa lagu soo xulay ayuu yiri la tashiga iyo ogolaanshaha madaxda kooxaha hubeysan.

Cabdirisaak Xaaji Xuseen waxa uu hadalkiisii kusoo gabagabeeyey in dulucda dhambaalkiisani yahay ” baraarujin” labaad eek u wajahan bulshada rayidka ah gaar ahaan madax dhaqameedyada haatan jooga shirka dib uheshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya,isagoo uga digaya inay ka feejignaadaan wax kasta oo dhaawici kara sharaftooda. Maadaama ay yihiin rajada kaliya ee bulshada uhartay,hadii shirkani miraha la rajaynayo dhali waayo.

Signed by:
Abdirazak Haji Hussen
Aug 12, 2003

Qoraalka dheer ee oo uu ku saxiixnaa C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ku qoraa Af-Ingiriisi ka akhri halkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Time limit is exhausted. Please reload CAPTCHA.